Casharka (2aad) Cilmi Baarista (Research)

Cilmi baaristu way nuucyo badan tahay wayna kala duwantahay. Inta aan la bilaabin cilmi barista waxaa haboon in la is waydiiyo. Maxay tahay hadafka laga leeyahay cilmi baaristaan? Cutubkaani waxaynu ku soo bandhigidonaa  nuucyada cilmi baariseed kuwood ugu muhiimsan. Cilmi Baaris Saafi ah (Pure Research) Inta badan cilmi barista nuucaan ah waxaa loo sameyaa si loo ogaado xog aas aas u ah cilmiga Sayniska.  Marka la samaynayo cilmi barista nuucan ah, hadafku ma ahan in la adeegsado durbaba oo la dabaqo natiijadii  ka soo baxdo cilmi barista, ee hadafku waxa uu yahay in la hurumariyo cilmiga jiro, lacadeeyo lana sharaxo xiriirka ka dhaxeeyo  doorsoomayaasha (variables). Hadafka cilmi baaristan waxaa kale uu noqon karaa in la hurumariyo fahanka aqooneed ee aanu ka haysano dunida aanu ku nool nahay.Waxaa laga yabaa in uu qofka is waydiiyo, hadii aanan cilmi barista xal toos aha loogu raadinayn dhib jiro ama anan looga jawaabeyn su,aalo aan jawaab loohayn xiligaas. Sababtee lacag iyo waqti ugu luminaa, sababteena isugu dhibaa?  Jawaabtu waxay tahay, cilmi barista  saafiga ah (Pure)  waxay aas aas u tahay cilmi barista oo dhan, waxayna  wadada u sii xartaa in la amba qaado waxa loo yaqaano cilmi barista la dabaqay (Applied Research) hadii aan la helin cilmi baaris saafi ah (Pure Research) way adkanaysaa in la amba qaado cilmi barista la dabaqo waana sil salad isku xiran. Cilmi Baarista la dabaqo  (Applied Research)Guud ahaan, cilmi barista la dabaqo waxa loo amba qadaa si looga jawaabo su, aalo aan jawaabtooda lahayn ama xal loogu keeno dhibaato jirto. Inta badan  hadafku waxaa uu yahay in wax la qeexo ee ma ahan in la curiyo. Cilmi barista nucaan ah waxaa aas aas u ah oo ay raad racdaa cilmi barista saafiga ah.  Hadaba, su,asho waxay tahay.  Muxuu yahay farqiga u dhaxeeyo labada nuuc ee cilmi baariseed? Mida hore, waxay ka caawisaa adanuhu in uu wax badan ka ogaado dunida aynu ku nool nahay. Halka cilmi baariska kale ay ka caawiso aadanuhu in uu xal ugu raadiyo dhib jiro ama su,aalo aan jawaab loo hayn.

Waay socotaa, lasoco isbuucayada danbe qabaha kale (Continue…..)

Waxaa soo diraayriyay.

Dr. Shaafici Sharif Mohamed

fayosom@hotmail.com